Mikel Arteta ayaa la filayaa inuu isbedel ku sameeyo kooxdiisa Arsenal marka ay u safrayaan Ipswich axada. Gunners ayaa kulanka soo galaysa iyada oo guul weyn ka gaadhay Real Madrid Arbacadii. Guushaas ayaa boos ka heshay semi-finalka Champions League markii ugu horeysay muddo 16 sano ah, tartankaas ayaana hadda ah mudnaanta kooxda.
Arsenal ayaa wali haysata lix kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan waxa ay u muuqataa in ay iska iloobeen fursadaha ay ugu guulaysan karaan horyaalka. Ben White wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah kuwa rajeynaya inay ku soo bilowdaan waxaana laga yaabaa inuu ka soo galo daafaca midig isla markaas uu badalo Jurrien Timber. Kieran Tierney, oo bilaabay kulankiisii ugu horeeyay ee Premier League tan iyo May 2023 todobaadkii hore, ayaa sidoo kale laga yaabaa in la keeno kooxda dhanka kale ee booska Myles Lewis-Skelly.
Arsenal waxaa ka maqnaan doona Jorginho ( feeraha) iyo Riccardo Calafiori (jilibka) isbuucaan, iyadoo labada ciyaaryahan ay weli dhaawac yihiin. xiddiga Oleksandr Zinchenko ayaa sidoo kale la filayaa in uu ku bilowdo Khadka dhexe ee kooxda Kulanka. Shaxda Ay Arsenal kaga hor tagi karto Ipswich: Raya; White, Saliba, Kiwior, Tierney; Zinchenko, Partey, Merino; Nwaneri, Trossard, Martinelli.