Kooxda Liverpool ayaa maanta ku guulaysan karta horyaalka premier League iyada oo wali kulamo ka dhiman yihiin xilli ciyaareedka. Tartanka ayay kaliya 6 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo Liverpool isha ku hayso ku guulaysiga horyaalka markii 20-aad ee taariikhdooda. Hadaba side ayay Liverpool maanta ugu guulaysan kartaa premier League: Liverpool ayaa 13 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premier League iyada oo 6 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaaeeedka.
Liverpool ayaa maanta ku guulaysan karta horyaalka premier League hadii ay ka badiso kooxda Leicester City isla markaas ay Arsenal guuldaro kala kulanto kooxda Ipswich..