Weeraryahanka Real Madrid Vinicius Jr. ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin inay wajahaan Arsenal kulanka lugta labaad ee wareega 8da Champions League Arbacada. Laacibka reer Brazil ayaa digniin u diray Arsenal ka hor kulanka ka dhici doona garoonka Santiago Bernabéu.
Weeraryahanka ayaa fariinta la wadaagay ka dib markii ay kooxdiisu 1-0 kaga badisay Deportivo Alavés kulan ka tirsan La Liga Axadii. Los Blancos ayaa wajihi doonta Gunners lugta labaad ee kulanka, iyagoo isha ku haya inay ka soo laabtaan guuldaradii 3/0 ahayd ee ka soo gaadhay lugtii hore. Vinicius waxa uu Instagram-ka soo dhigay sawir uu ku leeyahay: “Haatanba waynu ka fikiraynaa kulanka Arbacada, diyaar ayaan u nahay waanan sugi laanahay, wax walba wanu samayn doonaa, waxa aanu nahay Real Madrid”.
.